Sidee lacagtahu u shaqeyaan ? (Waa maxay lacag?).
INaad fahamto qaabka ay lacagahu u shaqeyan iyo sida faaidada leh aad u isticmaali karto , waxey is badal wayn ku sameyn karta noloashada maaliyaded.
Mowduca maanta waxaan ku sharaxi dona :
1: waa maxay lacag?
2: shaqooyinka ay lacagahu qabtaan.
3: sadexda qeybood ee ugu waweyn ee lacagahu loo qeybiyo.
Lacagtu waa dhexdhexaadiye wax lagu kala badasho oo u ogalaata shakhsiyaadka iyo ganacsatudu inay midba midka kale iney kala badashaan badeecadaha iyo adeegyada.
Lacagtu waxey qabata dhowr howlood oo muhiim ah waxaana kamid ah:
1: Dhexdhexaadinta sarrifka (medium of exchange) : lacagahu waxaa loo isticmacala in alaab iyo adeeg dadkale aad kaga iibsato ,
taa oo sahlaysa in la sameeyo wax kala badelesho siman lawada dhinacba ,
macnaheeduna yahay in aad u ku badalato shaygada(lacagtada) qiimaheda qiimo kale oo la eg.
2: Halbeeg (unit of account): lacagtu waxa ay bixisaa halbeeg lagu cabbiro qiimaha badeecadaha iyo adeegyada, taas oo sahlaysa in la is barbar dhigo qiimayaasha .
3: Qiimo keydin (store of value) : lacagtu waa la kaydin karaa siloo loo isticmaalo,
taas oo u oggolaanaysa shakhsiyaaadka iyo ganacsatada inay hanti hanti u uruursadaan si dib ugu isticmalaan waqti danbe.
Lacagahu waxaa loo qeybiya sadex qeybood oo waaweyn:
1: Fiat money: Lacagtani waa lacag ay sameyso oo ay maamusho dawlada ama Bangiga dhexe ,
oo aan lagu saleyn wax badeecad ah sida Dahab iwm,
tusaalana waxa u ah $dollarka mareykanka iyo EURO.
2: Lacag ku saleysan badeecadaha (Commodity-backed money) : Lacagahani waa lacagaha ku qiimeysan badeecoyinka lataaban karo sida Dahabka iyo Qalinka.
3: Cryptocurrency : Lacagtani waa lacag aan la tabankarin (digital money) waana lacag aan dawlad ama hay'ad maaliyadeed aynan maamulin.
Tusaaloyinkeda waxa kamid ah Bitcoin iyo ethereum.
📖 waxaan rajeynaya inaad wax un ka fahamtay mowduucena maanta .
MOWDUCA XIGA
👉👉Sidee dhaqalahada loo lawa jibara. lasocod wngsan i.a.

.png)

.png)
.png)
